Sports

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho oo doonaya inuu lasoo saxiixdo daafac midig.

Muqdisho-KNN-Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu soo xerogeliyo daafaca midig xagaaga soo aadan.

Bilihii ugu dambeeyay, waxaa si wanaagsan loo diiwaangeliyay in Mourinho uu doonayo inuu xoojiyo daafaca bidix iyadoo Luke Shaw uu ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho Old Trafford, Daley Blind iyo Matteo Darmian labadoodaba la filayo inay ka tagaan xagaaga soo aadan kooxda Untd.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Guardian, tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale doonaya inuu tartan u galo Antonio Valencia kaas oo ku aadan garankiisa midog ee daafac.

Valencia waa mid ka mid ah ciyaartoyda uu ugu kalsoonyhy Mourinho, laakiin tababaraha United ayaa la sheegayaa inuu qiray in uu u baahanyhy bedel maadama mudo dheer uu joogay kooxda xidiga Ecuador ayaa 33 jirsaday xagaagan.

Sidoo kale waxaa la mid ah Ashley Young, oo sii wata in loo isticmaalo labada dhinac ee daafac garoonka dhexdiisa, Jose ayaana daneenayo daafacyo inuu keeno kokxdiisa.

Qalinkii:Aqyaar