Somali News

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laga sii daayay xabsi ku yaala Liibiya.

Muqdisho-KNN-Muhaajiriin ay tiradoodu gaareyso 3000 ayaa weli ku xeran saldhigyo  ay Dowladdu leedahay oo ku yaala Magaaladda Teripoli, halkaasi oo u dhow meelaha uu dagaalka ka socdo.

Hay’adda Qaramadda midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa werisay in 96 qaxooti ah iyo muhaajiriin isugu jira laga sii daayay xabsi lagu magacaabo Zintan oo ku yaala Caasimadda liibiya, hadana lagu hayo meel nabdoon oo ay ku jiri doonaan ilaa iyo inta wadanka laga saarayo.

Kooxda muhaajiriinta ah ee lasii daayay ayaa waxay kazoo jeedan Dalalka Soomaaliya, Eretria iyo Ethiopia , waxaana ku jira ilmo dhawan dhashay.

Hey’adda Qoxootiga ee Qaramadda midoobay ayaa sheegtay hadda aad loo daryeelo muhaajiriinta oo ay dhibaato badan kazoo gaartay xabsigii ay ku xirnaayeen, meesha hadda lagu hayo oo hey’addu masuul ka tahay ayaana hoy u ahaan doonta illa ay wadanka ka baxaan.

Afhayeen u hadlay hey’adda Babar Baloch ayaa sheegay in hey’addu ay dadka siin doonto Raashin, Gabaad, daryeel caafimaad, taageero maskaxeed, si looga saaro tiiraanyadda ay xabsiga ka dhaxleen.

“Xaaladda Xabsiga Zintan aad ayey u xuntahay” ayuu yiri afhayeenka, “ in halkas lagu noolaado aad ayey ciriir u ahayd, ma jirin nadaafad fiican, halis caafimaad ayaan ka jirta mesha” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xaaladda amaan ee Magaaladda Tripoli waa ay xuntahay waxaana ku dagaalamaya ciidanka Dowladda caalamku aqoonsanyahay iyo ciidanka uu wato khaliifa Haftar.