Somali News

Tahriibayaal badan oo ku geeriyooday doon kula degtay xeebaha Libya.

Inta la xaqiijiyay 22 ruux oo u dhashay dalka Mali ayaa ku geeriyootay in ka badan 60 kalena waa la badbaadshay kadib markii ay la degtay doon ay la socdeen xeebaha dalka Libya.

Dawlada Mali iyo Q,M ayaa xaqiijiyay in doonta degtay ay la socdeen 83 ruux oo badankood u dhashay dalka Mali.

Dadka geeriyooday waxaa ku jiray 3 caruur ah sida ay sheegeen ciidamada illaalada xeebaha Libya.

Ciidamada badda Libya oo u gurmaday doonta ayaa sheegay inay badbaadsheen 61 ruux kuwaasoo hadda la geeyay xarun lagu hayo dadka tahriibayaasha ah oo u dhaw magaalada caasimada ah ee Tripoli.

Qof ka mid ah dadka la badbaadshay ayaa sheegay inay muddo 9 cisho ah badda ku jireen oo ay dul saarnaayeen doonta oo qeyb qeyb u kala fuqday.