Uncategorized

Tahriibayaal Somali ah oo Liibiya lagu kala iibsaday oo qaar kood maanta muqdisho soo gaaraya.

Muqdisho-KNN-Waxaa dalka dib loogu soo cilin doonaa ugu yaraan 15 maxbuus oo lagu sheegay in laga soo daayay xabsiyada dalka liibiya iyo qaar laga soo saaray gacanta wax tahriibiya ee magafayaasha liibiya ayaa lagu sheegay in maanta ay soo gaarayaan gudaha magaalada muqdisho.

Maxaabiistaan ayaa marka hore dalka liibiya u tagay qaab tahriib ah balse gacanta u gelay magafayaal dadka ka ganacsada oo sidii xoolihii oo kale u iibsanayay dadka.

Dhalinyaradaan 15 ka ah ayaa dowladda soomaliya waxa ay ku guuleysatay inay kasoo saarto gacnta kooxahaas heystay iyadoona dhalinyaradaan ay yihiin kuwa xanuunsanaya gebigooda islamrkaana uu doorsoomay midibkooda sida wararka qaar ay tilmaamayaan maadaama maalin waliba jir dil lagula dhaqaaqayay.

Sidoo kale waxaa jirta dhalinyaro kale oo laga soo saaray gacanta magafayaasha heystay ee liibya jooga balse waxey diideen in lagu soo celiyo dalkooda hooyo iyagoona door biday inay horay usii wataan tahriibkooda.

Maxaabiistaan mar ay lahadleen warbaahinta qaarkamid ah waxay sheegen in si damiir kabax lagula dhaqmi jiray ismalarkaana ay cabi jireen midba mid ka kale kaadidiisa hayeeshee hadda ay aad ugu faraxsanyihiin in laga soo saaro gacanta magafayaashii heystay ayana ku faraxsanyihiin in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Dumarka somaliyeed ee kamid ah dhalinyarada liibiya lagu heysto ayaa lagu sheegay in mar waliba iyagune lagula dhaqaaqo kufsi waxana usii dheer baa layiri jir dilka lagula kacayay dahlinyarada soomaliyeed.

Gudiga dowaladda soomaliya ay udirtay soo sii deynta dhalinyarada soomnaliyeed ee ku dhibaateysan dalka liibiya ayaa sheegay in caruur ay kamid yihiin dhalinyarada ku xeran xabsiyadda liibiya iyo waliba kuwa gacantya ugu jira magafayaasha liibiyan.

Waxeyna intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dadaalada lagu soo sii deynayo dahlinyarada soomaaliyeed ee liibiya ku dec dareysan.