Muqdisho-KNN-Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan Dalka Liibiya Muxudiin Maxamed Kaalmooy oo la hadlay Idacadda Kulmiye ayaa sheegay in maxaabiista ugu badan ee Soomaalida ah ee ku xiran Liibiya in gacanta ay ku hayaan Magafaal ku nool Dalka Liibiya.
Safiirka ayaa sheegay in laga warqabo xaaladaha ay ku sugan yihiin maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran Xabsiyadda dowladda Liibiya, balse kuwa u xiran Magafayaasha ay yihiin kuwo ka warqabkooda uu aad u adagyahay.
Safiir Kaalmooy ayaa tilmaamay Maxaabiista Soomaalida ee u xiran Magafayasha Dalkaasi ay ku xiran yihiin Xuduuda Liibiya ay la wadaagto Dalalka Jaat Naajeeriya iyo Suudaan kuwaasna waxa uu sheegay Xaalado amni awgeed in aan loo tagi Karin maadama Dowladda Liibiya aysan wada maamulin Dalkaasi.
Dalka Liibiya waxa uu ka mid ahaa Dalalka ugu Hormarsan Qaaradan Afrika hadase waxa uu kaalimaha hore kaga jiraa Dalalka ay ka jiraan Amni darada tan iyo wixii ka danbeeyay October 20, 2011 Markaas oo la dilay Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Khadaafi,waxana xiligaa wixii ka danbeeyay Dalkaasi ku sii kordhay Muhaajiriinta Doonaya in Dalkaasi ay kaga sii gudbaan Dalalka Yrub Soomaalidana ay qeyb ka tahay.