Somali News

Tahriibiyaal lagu bad baadiyay Liibiyo iyo walaac laga muujiyay qaabilaada Tahriibiyaasha

Muqdisho-KNN-Ciidamada Badda ee Dalka Liibiya ayaa Shalay oo Khamiis ahayd badbaadiyay Laba Doomood oo ay saarnaayeen 226 Qof oo tahriibayaal Afrikaan ah.

Doomahan oo ku qallibmay Xeebta Magaalada, Garrabulli oo 55 km koofur kaga beegan Caasimadda Tripoli ayaa waxaa Dadka saarnaa ka mid ahaa 46 Carruur ah iyo Saddex Haween ah, sida uu Wakaaladda Wararka ee Xinhua u sheegay afhayeen u hadlay Ciidamada Badda Liibiya oo lagu Magacaabo, Ayob Qassem.

Ciidamada Badda Liibiya ayaa Todobaadkan gudahiisa badbaadiyay 273 tahriibayaal ah, kuwaasoo si sharci darra ah doonayay inay ku galaan Waddamada reer Yurub, iyagoo sidoo kale helay Meydadka 17 Qof.

Urur samafal oo Jarmal ah oo laba boqol iyo lix iyo labaatan qof subaxnimadii Khamiistii ka samata bixiyey badda ayaa ka codsaday dalalka ku teedsan Mediterranean-ka in ay si degdeg ah ugu furaan dekad ay dadkaa ku dejiyaan.

Ururkaas oo la yidhaa The Mission at Sea, ayaa sheegay in uu rajaynayo in sharciyada caalamiga ah ee dhigaya sida loola dhaqmo dadka badda laga soo samatabixyo la raaci doono.

Waxaanu ururku sheegay in aanay mar labaad dhicin dhacdadii todobaad ka hor lagu xayiray markabkii Aquarius ee siday dadka muhaajiriinta ah ee badda laga samata bixiyey oo kale.