Uncategorized

Tahriibiyaal Soomaali ah oo laga soo celiyay Liibiya oo Muqdisho la keenay.

Muqdisho-KNN-Saakay Aroortii hore ayaa Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa soo caga dhigatay 154 qof oo Tahriibayaal Soomaali ah oo ku sugnaa wadanka Liibiya, waxaana soo celiyay Dowladda Soomaaliya kadib dalab ay u jeedisay Xafiiska Qaxootiga ee Q.M.

Dadkaan la soo celiyay ee dhalinyarada ah ayaa waxaa la socday Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Cali Siciid Fiqi Danjiraha Soomaaliya ee Wadamada Yurub oo u xilsaaran soo celinta Dhalinyarada Soomaalida ah ee dalka Liibiya ku sugan.

Qaar ka mid ah Dhallinyaradan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay kala duwanaayeen waqtiyada ay kala tageen dalka Liibiya hayeeshee ay hadda ku faraxsanyihiin ku  soo laabashada Dalkooda Hooyo.