Somali News

Tahriibiyaal u dhashay Bangaladhesh iyo Afrika oo lagu laayey Liibiya

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 30 qofood oo u dhalatay dalka Bangladesh ayaa lagu dilay Libya, xilli ay dooneyeen in dalkaas Libya ay uga sii tilaabaan qaaradda Yurub.

Dadka  la dilay waxay gacanta ugu jireen koox magafeyaal ah, waxaana la tilmaamayaa dadkaas qaarkood sidii loo jirdilayey sidaas nafta lagu dhaafiyay, waxaa sidaas laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Bangladesh.

Dowladda Bangaladhesh waxay sheegtay in dakaas lagu laayey meel u dhaw magaalada Bangaazi oo ka tirsan dalka Libya, sidoo kale lix qofood oo ahaa dad Afrikan ah ayaa kamid ahaa dadla lagu laayey Libya.

Dowladda Bangaladhesh ayaa xukuumadda Libya ka codsatay in meydadka dadkaas la laayey ay ku soo wareejiso, in kastoo xukuumadda taagta daran ee Tripoli aysan weli ka jawaabin codsigaas uga yimid Bangaladhesh oo ay u dhasheen badi dadkii lagu laayey Libya.