Somali News

Taiwan oo khubarro u soo dirtay Somaliland

Muqdisho-KNN-Taiwan ayaa waxa ay mudooyinkii u dambeeyay wadaa, olole iyo qorsheyaal ay ku sii xoojineyso xiriirkeeda kala dhexeeya Somaliland.

Khubarro ka socda Taiwan ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay ku sugnaayeen, deegaannada Somaliland kuwaas oo hawlo sahmin ah, iyo kuwo dhanka horumarka ah ka waday deegaannada Somaliland.

Khubarradan ayaa waxa ay diirada ku saarayeen hawlahooda horumarineed ee sahminta ah, horumarinta dhinaca Beeraha, Isgaarsiiyinta iyo Teknoolojiyada iyo arrimo kale.

Somaliland iyo Taiwan ayaa horay waxa ay u kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi iyo xiriiro ay is dhaafsadaan.

Waxa ay sidoo kale isdhaafsadeen Xafiisyo Safaaradeed iyo Safiirro Labada dhinac u kala adeega, inkasta oo muran badan oo ka dhashay wax badan.