Somali News

Taliska AMISOM Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka dhan ah Al-Shabaab

Abaanduulaha Qeybta Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM Brigadier Jeff Nyagah  oo booqday Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee la geeyay Saldhigyada kala duwan ee ku yaal Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay iney kordhin doonaan howlgalada ka dhanka Al-shabaab.

Ciidamada qeybta ka ah howlgal AMISOM ayuu kula dardaarmay iney sii labo jibaaraan la dagaalanka Al-shabaab ee wali ku sugan qeybo kamid ah gobolada dalka.

Shacabka ku dhaqan gobolkaas ayuu ugu baaqay iney ciidamada kala shaqeeyaan amaanka si looga hortago weerarada ay geesanayaan Al-shabaab.

Dhawaan ayey ahayd markii dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga ay ku dagaalameen tuulooyin iyo degmooyin ka tirsan gobolka shabeellaha dhexe iyadoo ciidamada xoogga ay sheegeen in dagaalkaas Al-shabaab looga dilay ku dhawaad 100 dagaalame halka ay Al-shabaab dhankooda sheegeen in ciidamada DF ay dagaalkaas uga dileen 23 askari.