Muqdisho-KNN-Afayeenka ciidamada AMISOM Col Richard Omwega oo ka hadlayay xaaladda dib udhiska ah ee ay ku jiraan ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa sheegay in ay ciidamada Soomaalidu aysan diyaar u aheyn in ay AMISOM Kala wareegaan amniga dalka.
Taliyaha ayaa yiri “ 10 sano oo aan joogno Soomaliya Qaramada Midoobay waxa ay isku dayeeysay in ay dhisto Ciidamada Xogga, basle wali waxaad umoodaa in Ciidamadu aysan gaarin halkii loo baahnaa” ayuu yiri Richar Omwega afayeenka AMISOM.
Ciidamada AMISOM oo muddo toban sano ah ku sugnaa gudaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaaa in sanadka 2021-ka ay isaga baxaan gabi ahaanba Soomaaliya
Howgalka AMISOM ayaa kal hore bilaabay daabulidda Ciidamadooda iyada oo Bishii October ee sanadkii hore ee 2017-kii dalka laga saaray 1,000 Askari.