Kismaayo-KNN-Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa ka hadashay Howlgal Ciidamada ammaanka Jubbaland ay sheegeen in ay ku fashiliyeen Qarax Miino oo Al-Shabaab ku qariyeen xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo.
Taliyaha Booliiska qaybta Gobolka Jubbada Hoose Maxamed Naasir Guuleed oo Warbaahinta u Akhriyay War-saxaafadeedka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayeen in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan shacab aan waxba galabsan.
Qaraxa uu sheegay Taliska Booliiska Jubbaland ayaa shalay laga soo saaray guri uu Kismaayo ka daganyahay Muqsharxa Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.
Ilaalada Xildhibaanka ayaa la sheegay in qaraxa ay ka soo saareen gudaha guriga Xildhibaan Xidig, Xildhibaanka oo ka hadlay qaraxa laga helay gurigiisa ayaa sheegay in la doonayey in isaga lagu qaarajiyo balse uu ka badbaaday, isagoo sheegay in falkaasi uu ka mid yahay car qaladeynta lagu wado Musharaxiinta Madaxweyne ee maamulka Jubbalnd.