Muqdisho-KNN-Taliska Ciidamada Booliiska ee magaalada Jowhar ayaa amarro dul dhigay qaar ka mid ah dadka beeraleyda ah ee Hirshabeelle.
Taliyaha saldhigga ciidamada Booliiska ee degmada Jowhar Maxamed Siyaad Canjeex oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in si gaar ah ay u beegsanayaan beeraha lagu beero waxyaabaha Maanka Dooriya ee ay beeraan qaar ka mid ah beeralayda Hirshabeelle.
Waxa uu sheegay Taliyuhu in ay horay hawlagallo ay sameeyeen ciidamada Booliiska ay ku burburiyeen beero lagu beeri jiray Mukhaadaraadka ama waxyaabaha Maanka Dooriya, isla markaasina waxa uu sheegay in weli ay socdaan hawlagallaasi.
Taliye Canjeex ayaa sidoo kale waxa uu uga digay ganacsatada iyo beeralayda ku nool deegaannada maamulka Hirshabeelle in ay ka waantoobaan arrintani isla markaasina aysan iska gelin hantidooda beerashada iyo suuq gaynta Maan-Dooriyaha .