Muqdisho-KNN-Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa digniin kasoo saaray gawaarida la dhigto wadooyinka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho, iyadoo qoraal kasoo baxay lagu sheegay in hey’adaha amaanku ay la wareegi doonaan gaarigii la dhigo meel aan baakin aheyn.
General Zakiya Xuseen Axmed Taliye ku-xigeenka labaad ee Booliiska ayaa barteeda baraha Bulshada kusoo daabacday qoraalkaan, “Danta amniga awgeed laga bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa Gobolka Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking)”.
“Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan, Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga”, ayey tiri General Zakiya.