Somali News

Taliska Booliiska oo war kasoo saaray wadooyinka xiran ee Muqdisho

Muqdisho-KNN-Taliska Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku war geliyay dadka caafimaadka deg-dega ah u baahan in ay helayaan gurmad uu u fidinayo booliisku.

Taliye ku xigeenka booliiska Somalia Gen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga waxa ay ku sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay ka dalbanayaan dulqaad inta ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho oo loo xiray arrimo ammaan inta uu socdo shirkaas.

” Wargelin; Shacabka G/Banadir waxaa si sharaf leh laga codsanayaa inay inoo dulqaataan intuu socda shirka caalamiga ah ee Somali Partnership Forum oo dartiisa loo adkeeyay isku socodka baabuurta magaalada. Waxaa idiin diyaarinay Ambulance gurmad dag dag ah idinku adeegno. Hadii aad u baahatid gurmad caafimaad dag dag fadlan wac 991 kana codso ciidanka boliiska. Hormarkeena waxuu ka dhashaa wadashaqeyntena” ayey  qoraalkeeda ku tiri Gen. Zakiya.

Shirka madasha Iskaashiga Somalia ayaa markii ugu horeysay maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxa uuna socon doona muddo labo maalmood ah, iyadoo labadaas maalin ee kala ah maanta iyo berri ay wadooyinka Muqdisho xirnaan doonaan.