Dharkeylay-KNN-Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle maalin Taliyaha saldhiga booliska degmada dharkenley oo la hadlay idaacada kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in qeybo kamid ah degmadaasi ay joogaan ciidamo maleeshiyaad ah.
Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in bulshada ku nool xaafada daba kaayo madoow ay booliska usoo gudbiyaan cabasho ku aadan, in dhibaatooyin uu dhac kamid yahay loo geysto, waxaa uuna intaas ku daray in xaafadaasi ay joogaan ciidamo maleeshiyaad ah iyo ciidamo militira ah oo hubeysan , balse marwaliba baaritaan ay iyagu ka sameeyaan.
Gaashaanle Dhexe Khaliif cabdule maalin taliyaha saldhiga booliska degmada dharkenley ayaa dhinaca kale ka hadlay shaqaaqad xalay ka dhacday meel u dhaw saldhiga dharkeenley waxaana uu sheegay in ciidanka saldhigoodu uusan qeyb ka ahayn dhibkii ka dhacay halkaasi .
Waxaana uu intaas ku daray hadalkiisa in ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta oo howlgal aan lagu soo wargelinin ka waday degmada dharkenley iyo ciidamo la socday Aroos ay is xabadeeyeen sida uu hadalka u dhigay.
Inta badan shacabka ku nool xaafadaha degmada dharkenley ayaa xiliga habeenkii kooxo hubeysan oo dhac u geysta , iyadoo hadalka taliyaha uu noqonayo mid muujinaya in ay jiraan ciidamo aan iyagu amar qaadan oo degmada ku sugan