Muqdisho-KNN-Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxyo ay maanta fashiliyeen ciidamada booliska Soomaaliya ee ka howlgala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay xusid mudantahay in magaalada ay maanta ka socdeen banaan baxyo nabadeed.
Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Dhamme Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada booliska Soomaaliya ay maanta qabteen nin doonayay inuu isku dhex qarxiyo dadweynihii maanata Muqdisho ka dhigayey banaanbaxa nabadeed ee lagu taageerayey in Muqdisho metelaad yeelato.
Afhayeenka ayaa sheegay in ninkaas la qabtay uu xirnaa Jaakadda qaraxda, balse ay ka war heleen ciidamada ammaanka sidaasna lagu fashiliyey qaraxaas, oo hadda ay gacanta ku hayaan.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in isla maanta la qabtay nin kale oo doonayey inuu muwaadin Soomaaliyeed qarax ugu xiro gaarigiisa, kaas oo sida uu sheegay dhaawac fudud uu kasoo gaaray asagii, haatana uu ku jiro gacanta booliska.
Halkan ka Daawo