Muqdisho-KNN-Taliska booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in gacanta lagu soo dhigay askari sanadkii 2012-kii Muqdisho ku dilay laba haween ah, kuwaas oo uu u dilay hal kun oo shlin Soomaali ah.
“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa gacanta ku Soo dhigay askari ka tirsanaa Ciidanka Boliiska oo 8 sanno ka hor Degmada Kaaraan dil ugu geysatay 2 Marxuumiin oo dumar Uur leh ahaa” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.
Qoraalka ayaa intaas ku daray, “3/May/2012, ayuu Abshir Cabdulaahi Baseey (Abshir Dheere) wuxuu dilay Marxuumiinta kala ah – Nimco Xasan Cali iyo Dahabo Calasow Axmed, sababta dilka ayaa ahaa cadad lacag aad u yar oo uu ka doonayay.”
Ugu dambeyntii qoraalka taliska booliska Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu balan qaaday in dambiile kasta uu cadaaladda mari doono.
“Qof kasta oo faldanbiyeed gala Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gacan ayuu ku Soo dhigidoonaa Cadaaladana wuu dhadhamindoonaa, isaga oo kasoo hor muuqandoonaa Maxkamada Awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraalkan oo ka soo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.