Somali News

Taliska booliska Soomaaliya oo xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka G/ Banaadir

Kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan ayaa xalay waxaa ay ciidamada ammaanka baaritaano ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Osman Cabdulahi Maxamed (Kaniif) ayaa xalay  kormeer ku tagay qaar ka mid ah Saldhigyada degmooyinka Xamarweyne, Shibis iyo Boondheere, isaga oo Taliyuhu Ciidamada kula dardaarmay feejignaan dhanka Amaanka ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu ciidamada booliska Soomaaliya ka dalbaday in ay sugaan amniga degmooyinka, si looga hortago falalka amni daro ee ka dhaca magaalada Muqdisho

Kormeerka taliye ku xigeenka ayaa waxaa uu ku soo aadaya kadib markii ay kordheen qaraxyada iyo dilalka qorsheysan oo ay Al-shabaab ka fuliyaan magaalada Caasimada ee Muqdisho.