Muqdisho-KNN-Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Degmada Howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir ku soo Bandhigay Koox Bur-Cad ah oo dadka reer muqdisho dhac iyo boob u geysan jiray.
Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigau 4 wiil oo lagu eedeeyay in xiliga Habeenkii dadka taleefannada ka qaadan jireen.
Raggan waxaa sidoo kale lagu soo qabtay Taleefano fara badan,Mooto Bajaaj iyo Baskoolad ay dadka ku han-dadi jireen xilliga ay dadka dhacayaan.
Waxaa uu sheegay Afayeenka in raggaan ay dhibaato ku hayay Shacabka kunool Magaalada Muqdisho, islamarkaana sharciga la marsiin doono.
Xiliyadii danbe ayaa waxaa soo baxayay cabashooyin kala duwan oo ka soo yeereysay bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ku waas oo ka cabanayay dhac iyo boob ay u geystaan ragg ay sheegeen inay hubeysan yihiin.