Uncategorized

Taliska ciidanka xooga ee gobolka Hiiraan oo sheegay in ay dileyn 168 dagaalame oo Al-shabaab ah

Muqdisho-KNN-Taliyaha Guutada 52–aad ee Ciidanka xoogga Dalka Janaraal Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho oo la hadlay Warbaahin Qaranka ayaa sheegay inay dileen dagaalameyaal ka tirsanay Al-shabaab oo dagaalo ay kula galeyn qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Taliye Tareedisho ayaa sheegay in ay dileyn 168 dagaalame oo Al-shabaab ah kuwoo kalana ay ka saareen deegaano ay kaga sugnaayeen Hiiraan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in dagaaladaas lagu dilay dagaalameyaasha Al-shabaab ku sheegay in ay ka dhaceyn deegaanada Mubaax, Ceel Cali, Yasooman iyo Tuulooyin kale.

Janaraal Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay kala wareegeen Hub iyo Gaadiid dagaal.