Uncategorized

Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Buulo-Gaduud.

Kismaayo-KNN-Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee Gobalka Jubada Hoose ayaa beeniyay in Ciidanka Dowlada uu qasaaro ka soo gaaray dagaalkii saakay ka dhacay Buulo-Gaduud ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose.

General Ismaaciil Saxar Diid oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaliya oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Buulo Guduug ee Duleedka Koonfureed ee magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa sheegay in Dagaalamayaasha Al-shabaab ay saaka waaberigii weerar ku soo qaadeen Xero ay ku sugan yihiin Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbalaland oo ku taala deegaankaasi Buulo-Guduud oo qayaas ahaantii 30-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Kisamaayo, wuxuuna sheegay in Khasaaro  uu ka soo gaarey kooxdii weerarka soo qaaday ee Shabaab, ayna kaga dhinteen ilaa 20 dagaalame kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Dhinaca Kale Al-shabaab ayaa sheegatay in ay qasaaro badan u geysatay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Jubbaland islamarkaana ay la wareegeen deegaankaasi.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigaan saraakiil iyo Ciidan ka tirsan Kuwii xerada ku sugnaa sidoo kalane ay qabsadeen Gaadiid dagaal.

Wararka Madaxbanaan oo ay Idaacadda Kulmiye ka heleyso deegaanka Buulo-Gaduud ayaa sheegaya in Khasaaro Culus ay ka dhasheen dagaalkaasi ayna jiraan Ciidamo Gaadiid lagala wareegay Maamulka jubbaland.

Wararkii ugu danbeeyay ee Xaaladda deegaanka Buulo-Gaduud ee Gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegayo in Xiligaan ay Xaaladda dagan tahay ayna dib u qabsadeen Ciidanka Soomaaliya waxaana sidoo kale Ciidanka dib u Qabsaday Buulo-Gaduud la eegtay Qarax miino oo ay ku dhinteen Ciidan kale.