Uncategorized

Taliska CXS oo lagu wado in Garoonka Muqdisho ka soo dejiyaan Dhalinyaro laga soo qabtay Xarun Tababar oo Al-shabaab ay lahayeen.

Muqdisho-KNN-Waxaa goor-dhaw lagu wadaa in magaalada Muqdisho laga soo dejiyo dhalinyaro dhawaan laga soo qabtay xarun tababar oo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Balcad ee G/Sh.Dhexe.

Dhalinyaradaan oo ku jiray Tababar ay siinayeen Al-shabaab waxaa xaruntooda weerar ku qabsaday Ciidamada Gaar-ka ah ee Milatariga soomaaliya ee loo yaqaano DANAB.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Shabeelaha dhexe ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in ay hada ku sugan yihiin Garoonka magaalada Jowhar dhawaana ay soo gaari doonaan Muqdisho kadibna dhalinyaradaasi la soo bandhigi doono.

Xarunta Tababar ee ragaan laga soo qabtay ayaa ku taala deegaanka Jameeca Jiliyaal ee duleedka degmada Balcad, waxaana la sheegay in ay ku jiraan caruur ka yar da’da 20-ka sano.

Sidoo kale magaalada Muqdisho waxaa jooga dhalinyaro kale oo kuwaas ka mid ahaa islamarkaana dhaawac uu ka soo gaaray weerarkaasi, dhalinyarada dhaawaca ayaa ku jira Isbitaal ku yaala Muqdisho oo ay maamulaan Ciidamada AMISOM waxaana la sheegay in ay ku dayacan yihiin.

Waliidiinta Dhalinyarada ayaa sheegay in caruutooda xoog looga ka xeestay oo ay Al-shabaab ku amrayn in ay keenaan dhalinyaro ka bar bar dagaalama.

La soco wixii ku soo kordha.