Somali News

Taliska ilaalada wadooyinka Kismaayo oo digniin u diray wadayaasha gaadiidka

Kismaayo-KNN-Taliyaha ciidanka Illaada wadooyinka magalada Kismaayo Bashiir Xiis Qaliif   ayaa digniin u diray wadayaasha Gaadiidka aan heysan sharciga wado marista. 

Taliyaha  ayaa waxa uu sheegay in darwalada Gaadiidka  kaxeeya ee ka howlgalka kismaayo looga Baahanyahay in ay qataan sharciga wadamarisTA Una hugaansanaadan 

Bashiir Xiis ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in magalada Kismaayo ay dhawaan ka bilaabayaan qabqabasahda darwalada aan heesan sharciga wadamarista.

Taliyaha ciidanka illaada wadooyinka Kismaayo  ayaa dhinaca kale sheegay In inta badan darwalada gaadiidka ay baalmaraan shirciga  wadooyinka.