Maxaas-KNN-Taliska Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee gobalka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, dagaalkaas oo dhaxmaray Ciidamo Maleeshiyo ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya qeybta 52 –aad Axmed Maxamed Maxamuud “Tareedisho” ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in ay shabaab badan ku dilayn dagaalkii ka dhacay degmada Maxaas sidoo kalane ay sii wadi doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Taliye Tareedisho Waxaa uu sheegay in Meydadka Al-Shabaab la keenay degmada Maxaas, islamarkaana ay dhawaan u soo bandhigi doonaan warbaahinta, kuwaas oo gaaraya in kabadan 30 Askari oo Shabaab.
Dagaalka ayaa ka dhashay muran dhaxmaray Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo dadka deegaanka kadib markii ay shabaab dadka weydiiyeen in ay bixiyaan Lacago ay ugu yeereen “Zakawaad”.
Xaaladda deegaanka ayaa saakay deggan waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in ay wali goobihii lagu dagaalamay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyadii Shabaab la dagaalantay.
Dhinaca Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay gobalka Hiiraan ay ku dilayn ku dhawaad 20 Askari oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Ma jirto cid ka madaxbanaan Labada dhinac oo xaqiijin kara Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.