Uncategorized

Taliska NISA oo soo bandhigay dagaalame ka soo goystay Al-shabaab.

Gedo-KNN-Taliska Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa soo bandhigay dagaalame Cabdixakiin Xuseen Yuusuf oo horey ugu mid ahaa kooxda ee Al-shabaab, kaasi oo isu soo dhiibay ciidamada Nabad Sugida ee degamda Balad-Xaawo.

Cabdixakiin Xuseen oo ka soo baxay kooxda Al-shabaab kuna soo biiray ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa sheegay in Al-shabaab uu ka mid ahaa muddo ku dhow afar sano, isla markaana uu ugu soo baxay dhibaatooyin ay u geystaan dadka shacabka ah.

Saraakiisha NISA ayaa dhankooda sheegay in ay soo dhaweynayaan shaqsi kaste oo horay ugu mid ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka soo baxa.