Somali News

Taliska qeybta 21-aad ee xoogga dalka oo gaaray Beledweyne iyo kulamo ka socda.

Muqdisho-KNN-Saraakiil ka socta taliska qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka oo xalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiraan ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Cabdicasiis Cabudllaahi  Qooje oo ah Taliyaha qeybta 21-aad ee xoogga dalka fadhigooduna yahay magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in u jeedada safarkooda uu yahay sidii la iskaga kaashan lahaa sugidda amaanka deegaanada maamulada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay Taliyuhu in qeybta uu hoggamiyo ciidanka xoogga dalka ee 21-aad ay Beledweyne u tageen is barasho iyo sidii loo dajin lahaa qorshe Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan ee dhaca bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi  Waare ayaa ugu dambeyn ku  booriyay wada shaqeyn uu sheegay inay ka dhaxeyso talisyada ciidanka xoogga dalka ee gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud ee la isku yiraahdo gobolada dhexe ee dalka, isagoo dowladda federaalka uga mahad celiyay sida ay uga shaqeysay in wada shaqeynu dhex marto talisyada qeybaha 27-aad iyo 21-aad  ee ciidamada xoogga dalka  Soomaaliyeed oo ka kala howlgala deegaanada maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.