Somali News

Taliska qeybta 21-aad oo ka war bixiyey Ciidanka AMISOM ee gaaray Galmudug

Dhuusamareeb-KNN-Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka oo ka war bixiyey ciidamado ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamadaas ay yihiin kuwa hiil walaal ayna xooji doonaan ciidamada dowladda federaalka ee sugaya amaanka magaalada Dhuusamareeb oo ay taallo gogosha shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

 Taliyaha qeybta 21-aad Cabdicasiis Qooje waxaa uu sheegay in Ciidankaan ay yihiin Hiil Walaal, islamarkaana ay ka qeyb gali doonaan howlaha lagu adkeynaayo Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka AMISOM ay ka howlgali doonaan goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalooyinka Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee AMISOM ee gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa dhankiisa ayaa sheegay in ay caawin doonaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb.