Uncategorized

Taliyaal Ciidan oo goor-dhaw gaaray Goobihii lagu dagaalamay.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Taliyaha Xoogga Dalka Gen Axmed jimcaale “Cirfiid” iyo Gudoomiyaha gudiga dib u soo celinta Hantida Ciidanka Gen. Shiikh yuusuf Maxamed Siyaad “indha cadde” ayaa gaaray goobihii ay saakay ku dagaalameen Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee deegaanka Hanta-dheer.

Saraakiisha ayaa la sheegay in ay xiligaan kulamo la leeyihiin Taliyaasha Ciidanka ee Halkaasi ku sugan iyo qaar ka mid ah odayaasha deegaanka, kulanka ayaa ku saabsan dagaalkii saakay halkaasi ka dhacay.

Ciidamadii dagaalamay ayaa la kala qaaday waxaana la sheegay in ay xaaladda aad u dagan tahay, qaar ka mid ah Shacabkii ka barakacay saakay ayaa bilaabay in ay dib u soo laabtaan.

Gen Cirfiid iyo Gen indha cadda ayaa la filayaa in ay warbaahinta la hadlaan oo ay ka warbixiyaan dagaalkii xooganaa ee ka dhacay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

 

La soco wixii ku soo kordho.