Somali News

Taliyaal ka tirsan Booliska Degmooyinka Gobalka oo Xilalka laga qaaday

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in qaar ka mid ah taliyaasha saldhigyada Booliska gobolka Banaadir xilka laga qaaday, iyadoo xilalkooda loo magacaabay taliyaal cusub oo u badan dhalinyaro sida la sheegay islamarkaana la shaacin doono.

Taliyaasha xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah taliyahii saldhigga degmada Kaxda, Waaberi, Warta Nabada, Xamar-jajab, Heliwaa, Shibis iyo Dharkeyley. 

 Sidoo kale warar la helayo ayaa sheegay in dhawaan sidan oo kale taliyeyaal saldhigyo degmo ee gobalkaan banaadir katirsan xilalkooda laga qaadi doono iyadoona kuwa cusub loo ma gacaabi doono. 

 Isbedelka lagu sameeyay taliyaasha saldhigyada qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lala xiriirinayaa ammaan darrida ku soo korortay magaalada Muqdisho kuwaasi oo cabasho badan laga muujiyay. 

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan lagu wareejiyay ciidamada Booliska,  iyadoo laga qaaday ciidamada xasilinta oo amniga caasimada sugayay.