Uncategorized

Taliyaasha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo maanta su’aalo laga weydiinayo dharki ay wateen raggii Muqdisho isku qarxiyay.

Muqdisho-KNN- warar  ay heshay idaacada Kulmiye ayaa sheegaya in uu socdo kulan u dhaxeeya wasiirka Amniga ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyaasha Ciidanka Booliska Soomaaliya kulankaas oo su’aalo lagu weeydiinayo taliyaasha ciidanka Booliska.

kulanka ayaa wasiirka Amniga ee xukuumada iyo Taliyaha cusub ee Booliska ay  taaliyaasha iyo  Saraakiisha ku weeydinayaan sababta keentay in dhar u gaar ah ciidanka booliska ay soo qaataan ragi weerarka ka fuliyay jimcihi meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya iskuna qarxiyay.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee fuliyay weerarkii  jimcihi ayaa watay  darees u gaar ah ciidanka Booliska Soomaaliya waliba dharka uu yahay mid cusub oo aan wali si rasmi ah loo wada siin oo loo wada  qeybin ciidanka oo dhan   lana sameeyay  bilo un kahor.

sidoo kale dagaalamayasha Al-shabaab ee oo shan kamid ahi weerarka ka geysteen Magaalada Muqdisho  ayaa la tilmaamayaa in ay wateen qalabka ay ku xeriiraan ciidanka Booliska Soomaaliya taasi ayaana ah waxyaabaha la isku weeydiinayo kulanka maanta u dhaxeeya wasiirka Amniga iyo Taliyaasha ciidamada booliska.

kulankan ayaa imaanaya maalin un kadib markii ay jimchi aynu soo dhaafnay rag ka tirsan Al-shabaab oo ku labisnaa dareeska Ciidamada Booliska ay weerar ka geysteen agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.