Uncategorized

Taliyaasha Ciidamada qalabka sida oo Jawaari eedeeyay.

Muqdisho-KNN-Taliyaasha Ciidamada Booliiska, Nabad Sugidda, Milatariga iyo Asluubta ayaa shir jaraa’id ay muqdisho ku qabtayn waxay ku eedeeyeen Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, kadib qal qal dhinac amniga ah oo ay maanta Labada dhinac ee Golaha shacabka Geliyeen magaalada Muqdisho.

Gen Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in baaritaano lagu sameyn doono ciidamo uu sheegay in ay qabsadayn xarunta Golaha Shacabka, waxaana uu eedeyn u jeediyay Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliiska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ciidamada qabsaday xarunta Golaha Shacabka ay wateen hubka nuucyadiisa kala duwan, islamarkaana ciidamadii ilaaladda ka ahaa xarunta ay siidaayay ciidamadaasi si aysan dhibaato u dhicin.

Waxaa uu sheegay in Mas’uuliyadda wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka uu leeyahay Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad.

Inkastoo taliyaasha Ciidamada eedeeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadane siyaasiinta Bulshada rayidka ah iyo dadka wax ka yaqaana Arimaha Ciidamada ayaa Taliyaasha ku eedeeyay in ay ku biirayn dhinacyada siyaasadda oo aysan dhax dhaxaad ka ahayn khilaafka taagan.