Somali News

Taliyaasha Ciidanka oo Booqday Degmada Afgooye.

Muqdisho-KNN-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska, Abaanduulaha XDS iyo Saraakiil kale ayaa kormeer shaqo ku tagay Difaacyada Ciidanka ee ku yaalla degmadda Afgooye ee Gobolka Sh.hoose.

Ujjeedka Kormeerkaan ayaa ahaa u kuur gelida Xaaladda amni ee degmadda Afgooye iyo oggaanshaha amniga wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka socdaan howlgalo nabad gelyada lagu adkeynayo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa goobahii uu kormeeray Ciidankii ku sugnaa ku ammaanay sida ay ugu taagan yihiin difaaca dalka, isaggoo faray inay muujiyaan Feejignaan dheeraad ah, si cadowga ay uga faa’iideysan.