Somali News

Taliyaha booliska oo bedelay qaar ka mid ah taliyeyaasha booliska Muqdisho

Muqdisho-KNN-Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Jijaar ayaa xalay xilkii ka qaaday Taliyihii qeybta Waliyow Cade ee booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Siyaad.

Taliyaha qaybta Waliyow Cadde ayaa xilkii looga qaaday arrintii Iskuulka Hoyga Xamar ee shalay aroortii hore ay burburiyeen qaybo ka mid ah dhismahiisa ciidamada booliska Soomaaliya. 

Xilkaan ayaa loo magacaabay Yaasiin Nuur Kheyre oo ku magacdheer Yaasiin Ganeey.

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo tixraacaysa warqad ka soo baxday Garyaqaanka Guud  ayaa amartay sida wararka sheegayaan fulinta dhulka iskuulka in la burburiyo oo ay sheeganayeen milkiyadiisa xubno gnacsato ah .

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in tallaabo adag ay ka qaadi doonto saraakiishii, askartii iyo shaqsiyaadkii kale ee qeybta ka ahaa in la burburiiyo iskuulka Hoyga Xamar oo ku yaalla degmada Hodon, gaar ahaan agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin.

Wasaarada waxbarashada ayaa iyaduna shaacisay in dowladdu ay qaadatay mas’uuliyadda dib u dhiska qeybaha laga burburiyey iskuulka.