Somali News

Taliyaha ciidamada Haramcad oo xalay la weeraray

Muqdisho-KNN-Hoyga uu ka daganyahay magaalada Muqdisho taliyaha ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa waxaa weeraray lix ka mid ah askarta ciidamada asluubta soomaaliyeed sida la sheegay.

Askartaan ayaa waxaa ay wateen gaari Cabdi bille ah, waxaa ayna tacshiirad huwiyeen guriga taliyaha Haramcad Farxaan Qaroole oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka banaadir.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaan iyo ujeedka laga lahaa intaba, balse ciidamada ka tirsan asluubta ee la tilmaamay inay weerareen guriga taliyah Haramcad ayaa waxaa lagu xiray xarunta dambi baarista somaaliyeed ee C.I.D.

Mid ka mid ah askarta la sheegay in ay ka tirsanyihiin ciidamada asluubta ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhaawacmay weerarka dhacay, islamarkana lixdooda ay su,aala weydiinayaan ciidamada C.I.D-da.