Somali News

Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti oo maanta soo gaaray Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti kornel Cabdullaahi Cabdi ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Taliyaha iyo wafdigiisa  ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad (Ameerica), Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada, Maxamed Aadan Koofi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Bashiir Cabdi Maxamad (Ameerica) oo ah  Taliyaha Ciidanka Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in muqidsho uu maanta soo gaaro Taliyaha ciidanka Booliska dalka Jabuuti, islamarkaana waxaa ka mahadceliyay taageerada dheeraadka leh ay jabuuti siiyaan dowladda soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Dalka Jabuuti kornel Cabdullaahi Cabdi ayaa Madaxda dowlada uga mahad celiyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay magaalada Muqdisho,isagoona maanta booqday xarunta taliska Booliska Soomaaliya.