Uncategorized

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Camey.

Garowe-KNN-C/Qaadir Shire Faarax (Ereg) Taliyaha Booliska Maamulka Puntland ayaa goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoow ee  Xarunta Maamulka Puntland,ayaa sheegay in shaqo joojinta uu ku sameeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland ay tahay mid sharci darro ah.

Ereg;  ayaa sheegay in Madaxweyne Cameey uu isaga ku amray in uu Taliye qeybeed xilka ka qaado,laakiin uu Ereg ku jawaabay Madaxweynaha in uu warqad soo qoro,kaddibna uu madaxweynaha ku hanjabay in uu isaga shaqada ka joojinayo.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay in 13 dhallinyaro ah oo la xiray caddeyn la’aan uu Taliye qeybeed xabsiga ka siidaayay kaddib markii ay xirnaayeen 5 maalmood,Maxkamad la’aanna ku jireen,isaga oo intaas ku daray in qeybta Garsoorka soo aragtay,taas oo uu ka carooday Madaxweyne Camey.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in xil ka qaadistiisa Telephone loogu sheegay taasina aysan Sharci aheyn kana aqbali doonin Madaxweyne Camey.