Somali News

Taliyaha ciidanka Daraawiishta puntland oo la sheegay inuu iscasilay.

Garoowe-KNN-Taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa la sheegay in warqad is-casilaad ah uu u gudbiyay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Sababta iscasilaada taliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay, kadib markii  isfaham waa  iyo khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo  madaxweyne Deni oo ku aaddan jawaabta puntland  ka bixinayso abaabulka Somaliland ku qaadday degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag.

Wali Ma jirto faahfaahin rasmi ah uu  ka bixiyay Taliyaha  sababaha keenay inuu iska casilo xilkaasi.

Balse warar qaar  ayaa sheegaya inuu dhaliilsan yahay habkii looga falceliyey xiisadaha colaadeed ee ka taagan Gobolka Sanaag.