Somali News

Taliyaha ciidanka dhulka oo Abaabul dagaal ka bilaabay Deegaanada Koofur Galbeed

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genaraal Cabaas Amiin Cali  oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa halkaasi ka bilaabay abaabul dagaal oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan  yihiin gobolada Bay iyo Bakool.

Wararka ayaa sheegaya in maanta lagu wado in taliyaha ciidanka dhulka uu booqdo saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga ee ku yaala gobolka Bay.

Taliye Cabaas ayaa magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo looga hadlayay amniga kula qaatay saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan magaaladaasi, isagoona saraakiisha ka  dalbaday in bilaabaan howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka ayaa saraakiisha waxaa uu ka hadlay sababta keentay in dhawaan ay ciidamada xoogga ka soo baxaan deegaanada Deynuunay iyo goof-gaduud Buurey ee gobolka Bay.