Uncategorized

Taliyaha Ciidanka Milatariga Turkiga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN– Taliyaha Ciidamada Milatariga Wadanka Turkiga ayaa ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho aadan Cabulle Cismaan Aadan Cadde,waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiya iyo Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Socdaalka Taliyaha Ciidamada Turkiga ayaa ah mid hor dhac u ah Wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo dhawaan Muqdisho ka furi doona Saldhigga Turkiga uu ka dhisay Magaalada Muqdisho oo lagu Tababari doono Ciidamada Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Muqdisho aya si weyn loo adkeeyay,waxaana Ciidamo aad u badan lagu Arkayaa Wadooyinka Magaalada gaar ahaan Maka Al-mukarama iyo Wadada isku Xirta KM-4 illaa Garoonka Muqdisho.