Muqdisho-KNN- Taliyaha Ciidanka xooga Dalka Gen Cabdiwali Jaamac Xuusen Gorod ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal maanta ciidamo ka kala tirsan Milatariga iyo Nabad Sugida Soomaaliya ku dhexmaray isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ugu horeyn waxaa uu sheegay in dagaalka dhexmaray ciidamada uu ahaa mid ku yimid si qalad ah oo ay ciidamadu isku qaldameen.
Sidoo kale Taliye Gorod ayaa sheegay in aysan jirin dhimasho uu sababay dagaalka dhexmaray ciidamada Dowladda balse uu ku dhaawacmay hal askari sida uu sheegay.
marka laga soo tago hadalka taliyaha ayaa waxaa dad goobjoogayaal ahi xaqiijiyeen in labo Askari oo kamid ahaa ciidamada dagaalamay ay ku dhinteen halkaasi.
isku dhacyada sidaan oo kale dhexmara ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ah kuwo ku batay magaalada Muqdisho taasi oo ilaa hadda aysan jirin wax laga qabtay.