Somali News

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo Booqanaya Duleedka Kismaayo.

Kismaayo-KNN- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka  General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe)  iyo Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaaMaanta lagu wadaa inuu booqdo saldhigyo ku yaala duleedka Magaalada kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose oo ay joogaan ciidamada Xoogga.

Deegaanada uu booqan Doono Taliyaha ayaa waxaa ka mid ah Baar-sanguuni, Buulla Gaduud iyo Deegaano kale.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa xiligan waxaa ay ku sugan yihiin Duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa Ciidamada ka xogwareysan doono xaalada ka jirta deegaanada Duleedka ka ah Magaalada Kismaayo.

Shalay ayay aheyd markii Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) uu gaaray  Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose, isagoona kulamo la qaatay Madaxda ugu sareysa ee maamulka Jubbaland.