Uncategorized

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo u hambalyeeyay Ciidamada Badda oo 53 jirsaday.

Muqdisho-KNN-Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas Cabdiwali Jaamac Gorod ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo Maalinta u dabaal degaya Sanadguurada 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah  10-02-1965-kii.

“waxaan u Hambalyeynayaa  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 53aad ee Ciidanka badda ku beegan” ayuu yiri S/guud Cabdiwali Jaamac Gorod

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-ki, waxaana Munaasabad maanta ay ku xusayaan sanadguuradooda 53aad oo la filayaa inay ka qeyb galayaan Madaxda sare ee dalka iyo Saraakiisha Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed