Somali News

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaarey Degmada Awdheegle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga ee Awdheegle, isaga oo warbixin ka dhageystay askarta iyo saraakiisha.

Booqashada taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidanka Xoogga, isla markaasna ay iska difaaceen.