Somali News

Taliyaha ciidanka xoogga oo xil u magacaabay mid kamid ah Saraakiishii Ahlu-Sunna.

Muqdisho-KNN-Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa si rasmi ah u magacaabay taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha cusub ee guutada 15-aad qeybta 21-aad ciidanka Militeriga ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay, Taliyihii ugu sareeyey ciidamadii Ahlu-Sunna ee dowladdu la wareegtay S/Guuto Mascuud Maxamed Warsame.

Hoos ka akhriso warqadda:-