Somali News

Taliyaha cusub ee Asluubta oo ka hadlay deeq la gaarsiiyey agoonta Asluubta

Muqdisho-KNN-Taliska  Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Maanta la wareegay 180 Sariirood oo uu ugu deeqay Cabdinaasir Cali Maxamed oo ah Dhakhtar ka howl-gala Isbitaal ku yaalla Dalka Jarmalka.

Cabdinaasir oo ah Dhakhtar Soomaaliyeed, ayaa Sariirahan ugu tala galay Carruurta ku  jirta xarunta Agoonta Afgooye, ee uu Taliska Asluubta Gacanta ku hayo, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu caawiyo Carruutan.

Mahad Cabdirxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ugu mahadceliyay Cabdinaasir caawimaadda uu u fidiyay Carruurta Agoota ah , isagoo qurba joogta kalana ugu baaqay in ay ku daydaan Muwaadinkan Soomaaliyeed.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Cabdikariin Cali Afrax ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ku aaddan sidii loogu biirin lahaa xarumaha Agoonta Ciidanka Asluubta Carruurtii ay ka geeriyoodeen Askarta Ciidanka Asluubta.

Taliyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga warqabo Agoonta Asluubta iyo kuwa kalaba goor dhowna ay ay Agoonta Asluubta ku biirin doonaan Ciidanka si loo xannaaneeyo loogana war-qabo.