Uncategorized

Taliyaha Cusub ee Hey’ada Nabad Sugida Soomaaliya oo xilka La Wareegay.

Muqdisho-KNN= Waxaa gelinkii danbe ee maanta Si Rasmi ah xilka loo magacaabay ula wareegay Taliyaha Cusub ee Hey’ada Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Somalia Xuseen Cismaan Xuseen.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo Wasiiro ayaa goobjoog ahaa halka  xafladda xil wareejinta ay ka dhaceysay.

Taliyaha Cusub ee Nisa Xuseen Cismaan Xuseen ayaa xilka kala wareegay C/qaadir Maxamed Nuur oo ah ku xigeenka taliyaha mudada uu xafiiska taliyaha banaanaana kusime ka ahaa.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiinta kale ee goob-jooga ahaa  ayaa ku booriyay Taliyaha cusub ee  inuu si wanaagsan u guto shaqadiisa, wuxuuna kula dardaarmay Saraakiisha NISA inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub.

dhankiisa taliyaha cusub ayaa balanqaaday inuu halkeeda kasii wadayo shaqada isagoo tilmaamay inuu dedaal badan gelin doono siduu u hormarin lahaa Shaqada Hey’ada u heyso Qaranka.

Daawo Sawirada Xilwareejinta:-