Somali News

Taliyaha Daraawiishta Puntland oo tagay deegaan ay diriru ku dhexmartay iyaga iyo Somaliland

Muqdisho-KNN-Taliyaha guud ee ciidamada Puntland S/gaas Yaasiin Cumar Dheere oo kormeer ku tagay saldhigyada ciidamada Daraawiishta ee deeganka Hadaaftimo Gobalka Sanaag, ayaa ka hadlay colaadda maamulkiisa kala dhaxeysa Somaliland.

S/gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkiisa saldhigyada ciidamada Puntland waxa warbaahinta kula hadlay Hadaaftimo, isagoona warbixino ka dhegeystey hogaamada iyo taliyayaasha ciidanka.

Taliyaha oo u mahad celiyay ciidamada oo uu sheegay inay u diyaarsanyihiin dufaaca deegaanadooda ayaa sheegay inaysan Puntland u dulqaada doonin daan dansi uu sheegay inay ku heyso Somaliland.

Puntland iyo Somaliland ayaa ku hardama gacan ku heynta inta badan deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, waxaana mararka qaar dhexmara dagaalo uu dhiig badani ku daato.