Uncategorized

Taliyaha Guutada 3-aad Ee Ciidamada Xoogga Dalka oo ka badbaaday Qarax loo dhigay

Muqdisho–KNN– Taliyaha Guutada 3-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen Aadan Laba-afle ayaa ka badbaaday Qarax Miino oo loo dhigay Kolonyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo marayay meel u dhow Degaanka Weydow ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu Haleelay gaari Nuuca Soomaalidu ay u taqaan Cabdi Bile,waxaana ku dhaawacmay illaa Saddex Askari oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Guddoomiye Kuxigeenka Degaanka Garasbaaley C/llaahi Cabdi oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Qaraxa loo dhigay Kolonyo ka tirsan Ciidamada Xoogga oo uu la socday Gen Aadan Laba-afle oo ah Taliyaha Guutada saddexaad ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Mid kamida Kolonyada uu watay General ayaa la sheegay inuu Burbur soo gaaray islamarkaana Dhaawacyo Fudud ay ka soo gaareen illaa Saddex Askari oo ka mida Ciidamada Xoogga Dalka.

Al-shabaab ayaa War ay ku Faafiyeen Baraha Internetka waxaa ay ku sheegeen in Qaraxa ay ku dileen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayna ku dhaawaceen kuwo kale.

Hayeeshee ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka oo ku aadan Qaraxa iyo Khasaaraha ka soo gaaray Ciidamada Milatariga Soomaaliya.