Uncategorized

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda oo Eedeeyay Mareykanka iyo QM

Taliyaha ciidamada Nabadsugida Qaranka Cabdulaahi Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyay wadamada caalamka inaysan siin aqbaaraadka ay hay’ada nabadsugida uga baahan yihiin iyo qalab ku filan oo ay ku baaraan falalka ay ka mid yihiin qaraxyada ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Qoraal dheer oo uu ku daabacay wargeyska caanka ah ee New York Times ayuu Sanbaloolshe ugaga hadlay arrimo faro badan,hase yeeshee qeybaha ugu muhiimsan ayaa waxaa ka mid ahaa isagoo sheegay in macluumaadka lagu helo baaritaanada sida qaraxyada ay wadamada saaxibada la ah Soomaaliya oo uusan magacaabin ay u qaadaan dibada si baaritaano dheer loogu sameeyo balse aysan saraakiisha Soomaalida u qaabilsan baaritanada aan dib dambe loogu soo celin natiijada ka dhalatay baaritaanka dibada lagu soo sameeyay.

“Waxaan ku shaqeynaa indhoolnimo,balse waxaaba noogaga sii daraya kaalmada farsamo ee wadamada caalamka aan ka helno taasoo ujeedadoodu ay tahay in indhaha na sii tiraan oo aan cadowga ula dagaalami weyno.”ayaa ka mid ah ereyadii uu isticmaalay Sanbaloolshe.

Taliyaha ciidamada NISA Cabdlaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa hase ahaatee sheegay in bishii May ee sanadkan in Wasiirka Amniga Ducaale iyo isaga ay isu xilsaareen inay wax ka qabtaan amniga magaalada Muqdisho ayna u suurtogashay in illaa xad ay kontaroolaan hubka iyo waxyaalaha qarxa ee la soo gelinayo caasimada balse ay kaalmo dhinaca farsamada iyo tababarka ahba ay weydiisteen wadamada Maraykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay balse aan loogaga soo jawaabin.

“Waxaan ka codsanay wadamada aan bah-wadaagta nahay in ay nala qeybsadaan akhbaarta iyo cadeymaha laga helo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya oo dowlada Soomaaliya ay wax ka ogaato balse taas bedelkeeda dhagaha ayaa nalaga fureystay.”ayaa ka mid ah qoraalkii uu wargeyska New York ku daabacay Sanbaloolshe.

Ugu dambeyntii qoraalkiisa ayuu ku soo daray qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho 14kii Oktoobar kaasoo dad badan ay ku dhinteen waxana uu ku tilmaamay inuu ahaa dambi laga galay shacabka Soomaaliyeed.

“laakiin ma hayno waddo aan ku xaqiijino cadeymaha la xiriira qaraxaas si aan dadkii ka dambeeyay aan sharciga u horkeeno, qaraxyada noocaas oo kale ah waa suurtogal inay sii socdaan ma aha oo kaliya Soomaaliya gudaheeda balse meel walba oo uu Shabab ka howlgalo.”ayuu yiri Sanbalooshe.

Sanbalooshe ayaa ku taliyay in si loogaga hortago qarax noocaas oo kale oo dhibaato baaxad weyn geysta in ay u baahan yihiin tababaro,qalab wanaagsan iyo awood ay ku sameyaan baaritaano cilmi ku dhisan oo weliba gudaha Soomaaliya lagu sameeyo. Waayo buu yiri baaritaanada dibada loo qaado waxba uma tarayaan ummada Soomaaliyeed oo marwalba la dhibaateynayo.

Xigasho; New York Times